Shil Gaari oo Ka Dhacay Kenya iyo Khasaare Ka Dhashay

Shil Gaari oo Ka Dhacay Kenya iyo Khasaare Ka Dhashay

Wararka laga helayo gudaha dalka Kenya ayaa sheegaya in shil gaari oo gaystay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay ismaamulka Kitui.

Inta la xaqiijiyay dad gaarayo 12 qof ayaa ku geeriyootay shilkan oo ka dhacay deegaanka Kanyonyoo ee ismaamulka Kitui dalka Kenya.

Shilkaan ayaa yimid kadib markii uu xakameyn waayay darawalkii waday mid kamid ah gawaarida dadweynaha, halkaasna uu ka dhashay khasaaraha.

Warbaahinta Kenya ayaa ku soo waramaysa in darawalka gaariga waday uu isticmaalay waxyaabaha maanka dooriya, taasna ya sababtay in uu xakameyn waaye gaariga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com