Madaxweynaha Colombia oo lagu xukumay Xabsi guri iyo ganaax lacageed

HomeWararka

Madaxweynaha Colombia oo lagu xukumay Xabsi guri iyo ganaax lacageed

Maxkamad ku taalla dalka Colombia ayaa madaxweynihii dalka ku xukuntay ganaax dhan 4 kun oo doolar iyo xabsi guri shan maalmood ah, kaddib markii ay

Gudoomiyaha Haweenka Gobolka Nugaal Luul Jaamac Samatar: “Hadii 10 Gabdhood Baarlamanka Puntland ku
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Garowe (dhegayso)
Iran oo qiratay in si aan ula kac ahayn ku soo riday diyaaraddii Ukrain

Maxkamad ku taalla dalka Colombia ayaa madaxweynihii dalka ku xukuntay ganaax dhan 4 kun oo doolar iyo xabsi guri shan maalmood ah, kaddib markii ay ku heshay dembi ah in uu u hoggaansami waayey amar maxkamadeed oo farayey in la ilaaliyo dhul danguud ahaa oo loo laydhsi tago.

Qoraal ka soo baxay maxkamadda ayaa lagu yiri “Madaxweyne Ivan Duque waxa uu quudhsaday garsoorka, maadaama uu qaadi waayey tallaabooyin lagu ilaalinayo beerta qaranka ee Los Nevados, taas oo ay 2020 kii amartay maxkamadda sare ee dalku”.

Maxkamadda ayaa sidoo kale ku amray Madaxweynaha in uu dhiso ciidamo booliis ah oo ilaaliya goobaha loo nasasha tago ee dalka Colombia.

Madaxweyne Ivan ayaa ku dooday in dowladdiisu ay sharciga beeraha ay u hoggaansantay balse go’aankaan uu yahay mid sharci darro ah.

Madaxweyne Ivan Duque oo ah 42 sanno jir xukunka qabtay sannadkii 2018 kii, waa madaxweynihii ugu da’ yaraa ee abid dalkaas hoggaamiya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: