Askarka tirsan ciidamada booliska Kenya oo ku dhaawacmay qarax miino

Askarka tirsan ciidamada booliska Kenya oo ku dhaawacmay qarax miino

Saddex askari oo katirsan booliiska dalka Kenya ayaa ku dhaawacmay Qarax lagula beegsaday meel ku dhow degmada Gaarisa ee gobolka Waqooyi-bari Kenya.

Booliska ayaa sheegay in askartan ay ka mid ahaayeen koox galbinaysay kolonyada xildhibaan lagu magacaabo Ibraahim Cabaas oo ka tirsan baarlamaanka Ijara kuna sii jeeday degmada Hulugho markii la weeraray.

Booliska ayaa weerarkan ku eedeeyay kooxda Al-Shabaab, waana weerarkii labaad oo todobaad gudihiis ka dhaca gobolka Gaarisa.

Al-Shabaab ayaa weeraro ku qaaday deegaano ka tirsan gobolkaasi, gaar ahaan degmooyinka Mandheera iyo Gaarisa, halkaasi oo ay ku bartilmaameesadaan shaqaalaha amniga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com