Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta  dowladda Soomalaiya oo maanta ka qayb galay Barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka

HomeWararka

Shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta dowladda Soomalaiya oo maanta ka qayb galay Barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka

 Mas”uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qayb qaadanaya ololaha Barnaamijka I

Weerar kadhacay Shabeelada Dhexe
Xubinta sicirka iyo suuqa Burtinle
MADAXWEYNE DENI OO MAGACAABAY GUDDIGA MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDIGA DIYAARINTA WADA XAAJOODKA ARRIMAHA FEDERAALEYNTA DALKA.

 Mas”uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta ka qayb qaadanaya ololaha Barnaamijka Isxilqaan ee lagu dhisayo Tiyaatarka Qaranka.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane C/raxmaan Yuusuf Sheekh Cadaala ayaa horkacaya mas”uuliyiinta iyo shaqaalaha Wasaaradda ee maanta ka qaybqaadanaya Isxilqaanka.

“ Waa ku faraxsanahay Allena waan uga mahad celineynaa inaan fursad u helno gacmaheen si iskeen ah ugu dhisno dalkeenna,guud ahaana dalka wuu dhismayaa bi’idni-laah Kariim,balse wax ku sheego,” ayuu yiri Agaasimaga Guud ee Wasaaradda Warfaafinta.

Ugu danbeyntii,Agaasime Al-Cadaala ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed iney ka qeyb qaataan fursadaan weyn ee dib loogu dhisayo dalka,islamarkaana dhabarka u xirtaan dhismaha guud ahaan dalka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: