(Sawirro),Kooxda kubadda cagta ee Comsed oo awood u sheegatay kooxda Telcom.

Gaalkacyo, Jan 30- Kooxda kubadda cagta ee Comsed ayaa ciyaaro xiiso badan waxay shalay garoonka Cawaale ku wada ciyaareen garoonka Cawaale ee magaalada Gaalkacyo, ciyaartaas oo qayb ka ahayd tartanka tayaynt\"\"a kooxaha heerka 1aad ee Mudug.


Qaybtii hore ee ciyaarta ayaa kooxda Telcom waxay la hormartay goolkii ugu horeeyay waxaana u dhalilayay kabtankooda Axmed Nuur, goolkaas ka dib kooxda Comsed oo ka jawaabaysa goolkaas ayaa daqiiqado ka dib waxaa u barbareeyay weeririyahankooda C/kaafi kaasoo qaybtii hore ee ciyaarta ka dhigay 1-1 sidaasna lagu kala nastay.


Ciyaari waa galin danbee kooxda Comsed oo tababarahoodu uu ciyaaray xeelad farsamo ku dhisan ayaa ciyaartoyda garoonka ku soo galiyay dardar xooggan waxaana gool labaad oo waliba quxux badan loona gooyay difaaca iyo gool hayaha kooxda Comsed u xaqiijiyay isla ciyaariyahanka C/kaafi, dhawr daqiiqo ka dibna goolkii sadexaad ayaa uu u sadexeeyay, balse kooxda Telcom oo naf iska raadinaysa ayaa la timid hal gool oo rigoore gool uu ugu badalay Xaamud.


Si kastaba sidaas ayuu gabalku ugu dhacay kooxda uu horkacayay macalin Cirbe tanina waxay noqonaysaa guul daradii labaad oo Comsed ay kala kulanto.


Maantana waxaa ciyaar aan qiimo weyn ku fadhin isku balansan kooxaha Yamays iyo RPS maadaamaa labadooduba ay soo wada baxeen.


Diiwaanka Wararka daljir
Galkacyo
(S)


Daawo Sawirada.

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Garsoore Geese-weyne iyo labada kabtan, Midig Khalar bidix A.Nuur

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

\"\"

Nala wadaaga fikiradiina ciyaarahan ku saabsan gaar ahaan intiina ciyaaraha xiisaysa, fariimihiinana noogu soo hagaajiya.

[email protected].

?

?

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com