Golaha guurtida deegaanada Ximan iyo Xeeb oo soo saaray Go’aano ka dhan ah Hay’adda WFP

Cadaado, Jan 30- Golaha guurtida ee ku dhaqan deegaanada maamulka Ximan iyo Xeeb ayaa soo saaray go’aano ka dhan Hay’adda WFP kuwaas oo ay ku sheegeen in ay ka mamnuuceen deegaanada uu maamulkasi ka taliyo, odoyaasha ayaa ku eedeeyey Hay’ada WFP in ay dhibaato ka dhax abuurtay bulshada ku nool deegaanadasi waxayna intaasi ku dartay in musuq maasuq lagu sameeyey raashinka ay keento.


Gudoomiyaha odoyaasha deegaanada hoos taga degmada Cadaado Cabdi Sheek Aadan Cosoble ayaa daljir u sheegay in ay soo saareen bayaano dhigaya inay ka soo horjeedaan gabi ahaanba shaqada ay WFP ka wada deegaanadaasi.


?Sidoo kale gudoomiye ku xigeenka odoyaasha Ciise Maxamed Gurey ayaa isna qiray in inbadan oo cabashaa ay u gudbiyeen Hay’adda WFP, hase ahaatee aysan waxaba ka qaban sidaa daraadeed ay go’aan ku gaareen mamnuucista hay’addaasi.


Hay’adda WFP ayaa ka hawl gasha deegaano badan oo ku yaal koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, waxayna meelaha qaar ka fidisaa raashin qaybin iyo gargaaro kale oo la hal maala.


Diiwaanka Wararka daljir
Cadaado
(S).

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com