HomeUncategorized

(Sawirro) kulan ku saabsanaa hormarinta caafimaadka PL oo lagu qabtay Garoowe.

Garoowe, Jan 17- Wasaaradda caafimaadka dawladda Puntland ayaa magaalada Garoowe ku qabatay kulan ku saabsan harumarinta hawlaha caafimaad ee gobolada Puntland.

DHEGEYSO-Barnaamijka Caawa iyo Daljir iyo Maxamed Cabdullahi Cali Kooshin.
Xafiiska imtixaanaadka ee Puntland oo baahiyey tirada, magacyada & gobollada ay ka kala yimaadeen 55-ka arday ee ku guulaysatay deeqda waxbarasho.
(Dhagayso) Barnaamijka Maanhadal oo ku saabsan Shirwaynaha Wadatashiga Puntland Iyo Siyaasadda Soomaaliya 2016 ee Puntland

Garoowe, Jan 17- Wasaaradda? caafimaadka dawladda Puntland ayaa magaalada Garoowe ku qabatay kulan ku saabsan harumarinta hawlaha caafimaad ee gobolada Puntland.


Shirkaan oo looga arrinsanayey fariisinta siyaasada caafimaadka? Puntland ee 2013ka ilaa 2017 ayaa waxaa? ka soo qaybgalay hay’adaha caalamigaa ee ka shaqeeya arimaha caafimaadka, ururada maxaligaa, masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda caafimaadka, waxaana shirkani qabashadiisa iska kaashaday wasaaradaha caafimaadka,maaliyadda,qorshaynta iyo hay’ado caalamiya.


Agaasimaha guud ee wasaarada caafimaadka Puntland C.risaaq Xirsi Xasan oo radio Dalir uga warbixiyey shirkaas ayaa sheegay in ula jeedkiisu uu ka koobnaa dhawr arimood oo ay ka midyihiin in la kordhiyo hawlaha caafimaad ee laga wadey gobolada Puntland, in deegaannada fog fog la garaarsiiyo adeegyo caafimaad iyo arimo kale oo quseeya siyaasadda caafimaadka ee sanadka cusub.


Sidoo kale agaasimaha ayaa sheegay in qorshahaan cusub uu yahay mid faa?iidooyin badan ay ka dhaxlikaraan umadda reer Puntland, wuxuuna intaas ku daray in wasaaradda ay ka go?antahay sidii adeego caafimaad loo gaarsiinlahaa deegaan kasta oo kamid ah Puntland lagana faa?iideysto.


Kulanka ayaa intii uu socday waxaa lagu soo bandhigay tallaabooyin ay wasaaraddu ku guulaysatay sanadkii lasoo dhaafay ee 2012, waxaana tallaabooyinkaas ka mid ahaa in adeegyo caafimaad la geeyey degmooyin iyo tuulooyin ka tirsan gobolada Puntland iyo weliba daawooyin kala duwan oo ay wasaaraddu ka qeybisey isbitaallada guud ee Puntland, kuwaas oo loogu talo galay in ay ka faa?iideystaan dadka aan awoodin iney daawooyinka iibsadaan.


Qorshayaashaan cusub ee ay ku dhawaaqday wasaaradda caafimaadka Puntland ayaa kusoo beegmaya xilli meelo ka mid ah Puntland laga soo sheegayo cudurro ka dillaacay , sida cudurka duumada iyo kuwo kale.


Diiwaanka wararka daljir
Garoowe
(S).

Daawo Sawirada.

\"\"

\"\"

\"\"

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: