Saameyn Intee Le’eg Ayey Dowladda Ku Yeelan Kartaa Mooshin Hadda Laga Keeno? (dhegayso)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Saameyn Intee Le’eg Ayey Dowladda Ku Yeelan Kartaa Mooshin Hadda Laga Keeno? (dhegayso)

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale u balansan maanta in ay dood ka yeeshaan arrinta Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbidhagax) oo ahaa sarkaal k

Korneel Gebre, sirdoonkii sare ee Itoobiya u joogay Soomaaliya, oo la ruqseeyey lana raadinayo
Afka Suubban iyo Dhaqanka Silloon ee RW Khayre kee Kudayasho Mudan?
Jabhadda Gacan Libaax oo u dardaar weriyey Muuse Biixi iyo inta ku xayndaaban

Golaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa mar kale u balansan maanta in ay dood ka yeeshaan arrinta Cabdikariin Shiikh Muuse (Qalbidhagax) oo ahaa sarkaal ka tirsan Jabhadda ONLF, horayna uga mid ahaa ciidamadii militariga Soomaaliya ee ka qaybgalay dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itoobiya. Qalbidhagax ayey dowladda Federaalku ku wareejisay dowladda Itoobiya, taas oo abuurtay qalalaaso siyaasadeed oo xoog leh.

Mudanayaasha Baarlamaanka ayaa qaarkood horay warbaahinta uga sheegay in ay mooshin ka keenayaan xukuumadda RW Xasan Cali Khayre oo ay ku eedeeyeen in ay muwaadin Soomaali ah u gacangelisay dowladda Itoobiya.

DFS ayaa horay u sheegtay in Cabdikariim Qalbidhagax uu ka tirsan yahay jabhadda ONLF oo dowladdu ku sheegtay koox argagaxiso ah, waddayna falal amni darro, sidaas darteedna ku wareejisay Itoobiya.

Haddaba haddii Baarlamaanku ay mooshinkan ka keenaan xukuumadda RW Khayre,  saamayn intee le’eg ayey ku yeelan kartaa dowladda Federaalka? Tan kale, ma jirtaa waddo aan ahayn mooshin oo u bannaan Baarlamaanka?

Su’aalahaasi iyo kuwa kale waxaan waydiiyey diblomaasi Maxamed Caalim oo ka faalooda siyaasadda Soomaaliya, kuna sugan Helsinki, Finland.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: