Jabhadda Gacan Libaax oo u dardaar weriyey Muuse Biixi iyo inta ku xayndaaban

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Jabhadda Gacan Libaax oo u dardaar weriyey Muuse Biixi iyo inta ku xayndaaban

Jabhadda Buurta Gacan Libaax ee dagaalka kula jirta maamulka xilligan ee Somaliland ayaa si adag uga dardaar werisay hadallada is-daba-yaalka ah ee be

Dhuusamareeb: Ahlu-Sunna oo ku dhawaaqaday Baarlamaan cusub
Waraysi Cabdulqaadir Cammo: Go’aanka Puntland ee Xiisadda Gacanka iyo Saamayntiisa Xiriirka Puntland iyo DFS (dhegayso)
Siyaasiyiin ka shiraya weerarkii Baarlamaanka Puntland lala beegtay iyo in ay xal u helaan khilaafka taagan (sawirro)

Jabhadda Buurta Gacan Libaax ee dagaalka kula jirta maamulka xilligan ee Somaliland ayaa si adag uga dardaar werisay hadallada is-daba-yaalka ah ee beryahan ka soo yeedhayay madaxweynaha Somaliland ee xilkiisii uu xero-weydaaray ee Muuse Biixi Cabdi, kuna eedeeyey jabhadda dhawaan Somaliland ka dillaacday inay ammaanka iyo kala danbaynta lid ku yihiin oo ay gacmo shisheeye u xusulduubayaan xasarado degaanka laga alooso.

Hoggaanka ciidamada Jabhadda Gacan-Libaax oo lagu magacaabo Oof-wareen ayaa warbaahinta farriin hanjabaad xanbaarsan u mariyey madaxtooyada Hargeysa, asaga oo sheegey in aanay marna dib uga istaagi doonin in ay laba-lixaadiyaan dagaallada ka dhanka ah maamulka haatan ee Somaliland illamaa inta ay heeryada dulmiga iska rogayaan, sida uu hadalka u dhigay.

Oof-wareen ayaa sheegey in aanay jirin cid saddexaad oo dhabarka ka riixaysa, balse dulmi iyo awood-ku-takrifal ay ka dhiidhiyeen, isla markaana talo ku qaateen in ay ka dagaallamaan.

Hanjabaadda iyo dardaarwerinta ka soo yeedheysa Gacan-Libaax ayaa ka danbaysay markii ay ergo ka kala socday Burco iyo Hargeysa ay ka diideen inay dhexdhexdaadiyaan iyaga (Jabhadda) iyo hoggaanka Somaliland, iyo sidoo kale iyadoo qaybo mug leh oo kale oo ka mid ah beesha Isaaq ay ku baaqeen in ay maamulka Muuse Biixi oo ay ku sifeeyeen kalitalis arxan daran ay dagaal la gelayaan.

Sicir barar siyaasadeed iyo mid dhaqaale oo isbiirsaday una muuqda kuwo u digaroganaya dagaalo sokeeye oo toos ah ayaa Somaliland si guud uga aloosan, waxana inta badan shacabka Somaliland ay dhammaan dhibaatooyinkaas is-garabsanaya ay eeddeeda dusha ka saareen Muuse Biixi Cabdi oo weli salka ku adkaysanaya kursi xilligii xukunkiisu uu xagaagii hore dhammaaday.

Shirkii ugu danbeeyey ee maanta ee Burco ayuu mar kale Muuse Biixi caddeeyey mowqifkiisa ku adkaysiga kursiga, sheegayna in aysan doorasho Madaxweyne hadda dhici doonin.

Beesha Garxajis ayaa shirka Burco u arka mid lagu adkaynayo isbahaysiga siyaasadeed iyo kan ciidan ee ka dhexeeya beelaha Baha Iidoor ee beesha Habar Awal ee Madaxeyne Muuse Biixi garwadeenka ka tahay, loogana tashaday xoog ku muquuninta beesha Garxajis.

Diiwaanka Wararka | Daljir Media

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: