Siyaasiyiin ka shiraya weerarkii Baarlamaanka Puntland lala beegtay iyo in ay xal u helaan khilaafka taagan (sawirro)

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

Siyaasiyiin ka shiraya weerarkii Baarlamaanka Puntland lala beegtay iyo in ay xal u helaan khilaafka taagan (sawirro)

Siyaasiyiin isu xilqaamay waxkaqabashada weerarkii lala beegtay Baarlamaanka Puntland iyo khilaafka Siyaasadeed ee sababay weerarkaas ayaa maanta ku w

BRITISH COLINIAL RULE ONCE AGAIN DEFEATED IN SOMALIA
CHINA, BRI DIGITAL ECONOMY AND EYES PREYING ON SOMALIA’S SEABED
Maxaa sababay in Abwaan Cabdirashiid uu helo 5 cod oo kaliya? (dhegayso | daawo)

Siyaasiyiin isu xilqaamay waxkaqabashada weerarkii lala beegtay Baarlamaanka Puntland iyo khilaafka Siyaasadeed ee sababay weerarkaas ayaa maanta ku wada qadeeyey duleedka Garoowe.

Kulanka maanta waxaa ka qaybgalay Raiisal Wasaarihii hore ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Gaas, Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawed iyo siyaasiyiin kale.

Badi siyaasiyiinta sheegay in ay ku hawlanyihiin xalka weerarkii lala beegtay Barlamaanka Puntland ayaa mucaaradka hubaysan iyo dawladda Puntland si siman u magacaaba, sidoo kalena aan weli ka hadlin  burburkii hantiyeed iyo dadkii iyo ciidamadii ku dhintay weerarkaas cidda magtooda laga rabo.

Weerarka lala beegtay Baarlamaanka Puntland ayaa ahaa weerarkii saddexaad ee kooxaha hubaysan ee saldhigoodu yahay Garoowe ay magaalada Garoowe la beegteen. Weerarkii koowaad ayaa ahaa kii lala beegtay Jaamacadda PSU oo uu ka socday tababarka TPEC. Weerarkii labaad ayaa lagu qaaday gaadiid sida waraaqaha codeynta, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac iyo in eeraborka Garoowe albaabada la isugu laabo muddo ka badan hal asbuuc. Dhammaan weeraradaas lala beegtay Garoowe waxaa fuliyey ciidamo ka soojeeda gobolka Nugaal oo soo banneeyey furimihii difaaca ee magaalada Laascaanood.

Isimada Puntland oo ayana iclaamiyey kulan ay isugu imaanyaan oo arrimahan xal ugu raadinayaan ayaan weli si rasmi ah u furin shirkooda iyadoo weli aysan Garoowe imaan qaar kamid ah Isimada Puntland.

Diiwaanka Wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0