Korneel Gebre, sirdoonkii sare ee Itoobiya u joogay Soomaaliya, oo la ruqseeyey lana raadinayo

Korneel Gebre, sirdoonkii sare ee Itoobiya u joogay Soomaaliya, oo la ruqseeyey lana raadinayo

Korneel Gebregziabher Alemseged Abraha, sarkaalkii ugu sarreeyey sirdoonka Itoobiya ee Soomaaliya ka hawlgala, kuna jooga magaca IGAD, ayaa maanta laga cayriyey shaqadii IGAD, isla markaasna laga soo saaray OGEYSIIS DADWEYNE oo u dhigma raadin iyo sheegid ciddii meel ku og Korneelka. Ruqsada sarkaal Gebre ayaa u eg mid ka timid xafiiska Raysal Wasaaraha Itoobiya iyo RW Abiy Axmed.

Kor. Gebre ayaa tan iyo biloowgii dhidbidda dowladihii kumeelgaarka ahaa ee Soomaaliya illaa iyo maanta waxa uu ahaa shakhsi Soomaalidu ay aad u necebtahay, ayaga oo u arkayey in uu horseed u yahay siyaasadda Itoobiya ee burburinta dowladnimada Soomaaliya.

RW Abiy Axmed ayaa ballanqaaday in xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya uu ka baxayo heerkii hore ee kala shakiga, uuna u gudbayo mid wada shaqayn iyo walaaltinimo. RW Abiy Axmed ayaa sidii uu xafiiska sare u yimid waxaa sii kordhay rajada dadka Itoobiya iyo waliba Soomaalidu ay ka qabaan nabad iyo nolol xor ah, kana maran cagajugleyn dowlo iyo mid qowmiyadeed.

Warar aynaan xaqiijin ayaa sidoo kale la isla dhexmarayaa magaalooyinka Xamar, Garoowe iyo Hargeysa, in loo yeeray dhammaan saraakiisha Itoobiya ee ka hawgala Soomaaliya, safiir illaa qunsuliyado.

Halkan riix: warqadda ruqsada Kor. Gebre

Halkan riix: warqadda ogeysiiska dadweyne ee Kor. Gebre

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com