RW Rooble oo maanta ku wajahan Kenya

RW Rooble oo maanta ku wajahan Kenya

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta la filayaa in uu safar ku tago Magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadib casuumaad uu ka helay madaxweynaha dalkaas.

Safar Maalin ka hor ay ku timid Magaalada Muqdisho wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa waxaa ay Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaarsiisay casuumadda, si loo hagaajiyo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya oo mad madow badna uu kajiray.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in Ra’iisul Wasaare Rooble uu Madaxweynaha Kenya kala hadli doono arrimo ay kamid yihiin, xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha Socdaalka Dhulka iyo Cirka, Amniga, ganacsiga, Fiisaha iyo arrimo kale.

Socdaalkii ay Magaalada Muqdisho ku timid Wasiirka Arrimaha dibadda Kenya ayaa waxaa uu sababay khilaafka Madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo & Ra’iisul Wasaare Rooble, kaas oo aan weeli xal laga gaarin.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegtay inay wado dadaalo lagu soo celinayo xiriirkii Kenya iyo Soomaaliya, labada dowladood oo uu ka dhaxeeyay waxyaabo ay kamid yihiin Amniga Ganacsiga iyo waxyaabo kale.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com