Qoorqoor oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cirro

HomeWararka

Qoorqoor oo la kulmay Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka Cirro

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Gu

Rwanda oo Muqdisho gaarsiinaysa deeq dawo ah
Xuska Maalinta Dhallinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May (daawo)
Caawa & Daljir iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe (dhegayso/daawo)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa caawa Xarunta Madaxtooyada kula kulmay Guddoomiyaha Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal, Guddiga Doorashada Galmudug iyo xubno ka socday Guddiga Xalinta Khilaafaadka, iyagoo ka wada hadlay howlaha dardar gelinta doorashooyinka oo la filayo in Galmudug ay todobaadkan gudihiisa bilowdo doorashada Aqalka Sare.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa maalmihii u dambeeyay laga sugayay inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartamaya Aqalka Sare, iyadoo ay jireen muranno la xiriiray hannaanka Madaxweynuhu u marayo xubnaha uu u soo xulanayo Tartamayaasha Aqalka Sare.

Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug ayaa waxaa ku sii qulqulaya siyaasiyiin faro badan kuwaasoo doonaya inay ka mid noqdaan musharaxiinta Aqalka Sare.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: