Rwanda oo Muqdisho gaarsiinaysa deeq dawo ah

Dowladda Rwanda oo ka mid ah dowladaha Afrika ee hormarka sameeyey kadib dagaal sokooye oo ay ku geeriyoodeen malaayiin dad ah oo dalkaasi ka dhacay ayaa qayb ka ah gurmadka loo fidinayo dadkii ku waxyeeloobay weerarkii 14kii October ee kadhacay Muqdisho.

Wafdi balaaran oo kasocda dowladda Rwanda ayaa shalay soo gaaray magaalada Muqdisho oo uu hogaaminayay Xoghayaha joogtada Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga ee Rwanda Mr. Claude NIKOBISANZWE.

Wasiir kuxigeenka arimaha amniga gudaha ee dowladda faderaalka Soomaaliya Cabdinasir Saciid Muuse ayaa shalay wafdiga kusoo dhoweeyey magaalada Muqdiso, iyagoona ka wada hadlay xiriirka labada dal iyo sidii loo sii xoojin lahaa iyo gurmad ay dowladda Rwanda ay doonayso inay u fidiso shacabkii dhibaatada kasoo gaartay weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho.

Wafdiga kasocda dowladda Rwanda aya ala filayaa maanta oo Isniin ah inay gaarsiiyaan magaalada Muqdisho deeq dawooyin ah si wax loogu qabto dadka dhaawaca ee u jiifa saamayntii ka dhalatay weerarka.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com