Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Puntland oo la soo saaray

Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare ee Puntland oo la soo saaray

Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa soo saaray liiska musharaxiinta ku tartamaya 11 kursi ee Puntland ee Aqalka Sare.
Liiska uu soo saaray Saciid Deni Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa badankood yihiin dad ku cusub Aqalka Sare iyadoo ay ka mid yihiin musharaxiinta illaa 8 haween ah.

Xubnaha laga reebay liiska musharaxiinta waxaa ka mid ah ra’iisul wasaarihii ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke hase yeeshee waxaa xubnaha musharaxiinta ee soo laabtay ka mid ah Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Faroole iyo Farxaan Cali Xuseen.

Magacyada 22-ka musharax ee ku tartamaya 11-ka kursi ee Puntland ay ku leedahay Aqalka Sare ayaa kala ah.
1- Cabdiraxman Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Maxamed Cusmaan Colaad
2- Maxamed Cali Yusuf (Gaagaab) iyo Kawsar Cabdulaahi Xirsl
3- Maxamed Cabdi Cismaan (Majiino) iyo Maxamed Geedi Maxamuud
4- Cabdulaahi Cali Xirsi (Timacade) iyo Cabdullaahi Maxamed Xaashi Nuur
5- Cabdisamad Yuusuf Maxamed (Abwaan) iyo Ismaaciil Mire Muumin
6- Daahir Ayaanle Saciid iyo Maxamed Cumar Maxamed
7- Farxaan Cali Xuseen iyo Hodan Isxaaq Maxamed
8- Saynab Ismaaciil Maxamed iyo Aamina Jaamac Ibraahim
9- Cabdiqani Geelle Maxamed iyo Cabduqadir Maxamad Yuusuf
10- Samiiro Maxamuud Xaaji Cawad iyo Naciima Axmad Bakar
11- Sareedo Maxamed Xasan iyo Fartuun Yusuf Jamac

Akhriso;liiska musharaxiinta aqalka sare ee puntland oo la soo saaray

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com