RW Kheyre, UAE, Badaha Soomaaliya iyo Fikirka Aqoonyahan Abukar Arman

HomeWararkaSiyaasadda & Dhaqaalaha

RW Kheyre, UAE, Badaha Soomaaliya iyo Fikirka Aqoonyahan Abukar Arman

Daabacaaddii 2aad iyo fikirka aqoonyahan Aburkar Arman ee la xiriira safarka RW Kheyre ee Imaaraadka Carabta iyo hadalkiisii heshiiska DP World, Itoob

Farriin siyaasadeed 2018-2019: Olalaha Musharrax Madaxweyne Kuxigeen Camey – Camey & Ammaanka Puntland
Nabadoon cQani Maxamud Faarax: “Madaxweynuhu 4 beri buu Baran ku hoyday … tiribka xigina waa Ceerigaabo” (dhegayso)
Warbixintii 3aad: Baarlamaan Noocee ah ayay maanta u baahantahay Puntland?

Daabacaaddii 2aad iyo fikirka aqoonyahan Aburkar Arman ee la xiriira safarka RW Kheyre ee Imaaraadka Carabta iyo hadalkiisii heshiiska DP World, Itoobiya iyo Somaliland.

***

RW Kheyre oo maanta ka soo laabtay safar Imaaraadka Carabta, qabteyna shir jaraa’id ayaa ka hadlay heshiiska Dekedda Berbera. RW Kheyre waxa uu yiri, “Dowladda Federaalka Soomaaliya qayb kama aha, lagama hadlin, lug kuma lahan, cidina nagalama ay wada hadlin arrinkaas.”

RW Kheyre ayaa sheegay in mowqifka DFS uu yahay kan ku cad war saxaafadeedka Wasiirka Dekedaha, kaas oo uu ku yiri in wixii kheyraad Soomaaliya ama bad ku saabsan in ay u igmantahay DFS, lagalana xaajoodo hay’adaha dastuuriga ah ee Soomaaliya.

War saxaafadeed maanta ka soo baxay Wasaaradda Dekedaha iyo Gaadiidka Badda ee DFS ayaa lagu caddeeyey in dowladdu aysan aqoonsanayn heshiiskii dhexmaray shirkadda DP World ee UAE, Dowladda Itoobiya iyo Somaliland. Heshiiskan oo ay shalay shaacisay DP World ayaa qoraya in shirkadda DP World ee maamulaysa Dekeda Berbera ay leedahay saami dhan 51%, Somaliland ayana ay yeelatay 30%, meesha Itoobiya ay leedahay 19%.

Hadaba waxa aan la xiriirney aqoonyahan ahna Diblomaasi hore Abukar Arman, waxa aana wax ka weydiiney macnaha uu daaranyahay hadalka RW Kheyre. Aqoonyahan Abukar Arman waxa uu ku jawaabay, “RW waa ku mahadsanyahay in uu wax ka yiraahdo arrintan xasaasiga ah, in kasta oo hadalkiisu ahaa mid aan waxna diidin, waxna yeelin. Haddii se sida uu sheegay UAE eysan kala hadlin taas ayaaba sabab u noqon karto in DFS ay xiriirka u jarto. Yaynaan illoobin heshiiskan iyo sida wax loo kala qeybsaday waa mid muddo soo socotay, waana mid la wada ogaa. Waxaa se yaab leh in RW Kheyre uu intaas oo bilooyin ah ka aamusnaa heshiiska DP World. Aaamusnaantu waa ogolaansho.”

Khabiir kale oo ah xeeldheere heshiisyada, kana war haya heshiiska Dekedda Berbera iyo kan Bossaso, oo ka gaabsadey in magaciisa la shaaciyo, ayaan la xiriirney, waxna ka weydiiney hadalka RW Kheyre. Khabiirka ayaa hadalka RW Kheyre ku macneeyey “mid aan waxba diidiin, waxna yeelin, macnahiisuna ahaa aan mar kale isku noqo.”

DFS oo aan hore marna u shaacin mowqifkeeda Dekedda Berbera ayaa hadda u muuqata mid daaha ka rogtay in heshiiska Dekedda Berbera weli uusan aheyn mid fadhiya ee ku-laabasho u baahan. In kasta oo uu RW Kheyre sheegay in aysan DFS aqbali doonin heshiiska DP World, hadana ma uu shaacin diidmo rasmi ah iyo sharciga ay xukuumaddiisu tiigsaneyso si ay u buriso heshiiska Dekedda Berbera iyo DP World.

Taariikhda DP World ee Geeska Afrika ayaa hadda gashay baal mugdi ah kaddib markii dowladda Jabuuti ay Dekedda Dooraleh kala wareegtay DP World iyo Dowladda Imaaraadka Carabta oo muddo 10 sano ka badan maamulayey Dooraleh.

Haddii iyo markii RW Kheyre uu gudbiyo dacwad ka dhan ah DP World iyo Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa noqon karta dacwaddii labaad ee soo foodsaarta DP World.

Hoos ka dhegayso shirka jaraa’id ee RW Kheyre.

Daabacaaddii hore ee Radio Daljir hoos arag:

RW Kheyre, UAE iyo Badaha Soomaaliya: Heshiiska Dekedda Berbera DFS qayb kama aha, lagalama hadlin … (dhegayso)

Warar la xiriira DP World, Dooreleh, Bossaso iyo Berbera hoos ka daalaco:

Itoobiya waxa ay leedahay 19% | Ethiopia Owns 19% Stake in DP World Berbera Port (Media Release)

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: