HomeUncategorized

RW Cumar oo Baladweyne Gaaray

Garacad, 22, March, 2016 -(Daljir)_Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.

Wafdi Kasocda Jaamacad Suudan kadhisan oo Boosaaso lagu soo dhaweyeey (dhegayso/Sawiro)
Madaxweynaha Giriiga oo la kalmaya axsaabta waaweyn ee dalkaasi si dowladda isbahaysi ah loo soo dhiso
DHEGEYSO-Beelo ku dagaalamay Caabud-waaq oo heshiis hordhac ah gaarey.
 
Garacad, 22, March, 2016 -(Daljir)_Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wafdi uu Hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan.
 
Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid iyo wafdiga la socda oo uu ka midyahay Wasiirka Warfaafinta, dhaqanka iyo Dalxiiska ayaa waxa ay la kulmayaan Maamulka Gobolka iyo Odayaasha Dhaqanka, isagoo kala hadlaya Arrimaha shirka Maamul u sameynta dadka dega Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
 
Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir “Maareeye” ayaa sheegay in socdaalka Wafdiga Ra’iisul wasaaraha uu ujeedku ahaa sidii odoyaasha dhaqanka looga hadli lahaa ka qeyb qaadashada shirka maamul u sameynta Gobollada Hiiraan iyo Shabeelaha Dhexe
 
Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo federaalka Xukuumadda Soomaaliya oo maalmahan ku sugnaa Magaalada Baladweyn ayaa ku soo dhaweyay Wafdiga Ra’iisul wasaaraha.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: