DHAGEYSO: Wasiirka Warfaafinta Puntland oo ka hadlay Khasaaraha dagaalka Garacad

Wasiirka Warfaafinta ee dawladda Puntland Maxamuud Xassan Soocade oo Shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa faahfaahin ka bixiyey dagaaladii u dambeeyey ee ka dhacay Aaga Garacad, wuxuuna si gaar ah u soo qaaday Khasaaraha soo gaaray kooxaha ku soo duulay Puntland.

Wasiirka ayaa xaqiijiyey in ay dileen 112 dagaalyahan oo katirsanaa kooxihii ku soo duulay Puntland, wuxuuna cadeeyey in ay dawladdu saacadaha soo afjari doonto howlgalkan.

Mr, Soocadde ayaa sheegay in ay ciidamada Difaaca ee Puntland ka guuleysteen kooxo lasoo marin habaabiyey oo doonayey in ay burburiyaan amniga & kala dambeynta Puntland, laakiin ay dhabarka ka jabiyeen ciidamada Amnigu.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com