Qaraxyo ay dad badan ku Dhinteen oo ka Dhacay Belgium

Garacad, 22, March, 2016 -(Daljir)_Ugu yaraan 27 qof ayaa ku dhintay, 70 qof oo kalena way ku dhaawacmeen saddex qarax oo maanta ka dhacay garoonka diyaaradaha magaalada Brussels ee caasimadda dalka Belgium iyo Xarun laga raaco Tareennada.
 
Warbaahinta Belgium ayaa baahiyay in qaraxyadu ay ahaayeen kuwo ay fuliyeen dad isku soo xiray waxyaabaha qarxa , iyadoo xustay in intii qaraxyadan oo ahaa kuwo culus aysan dhicin ay ragga fuliyay iyo ciidamada ilaalada ka haya garoonka is-weydaarsadeen rasaas, Ragga weerarkan fuliyayna ay ku hadlayeen luuqadda Ingiriiska.
 
Sidoo kale, dhammaan xarumaha laga raaco gaadiidka ee Belgium ayaa la xiray, iyadoo ay kusoo Weerarradan ay kusoo beegmayaan markii Jimcii la soo dhaafay Booliiska Belgium ay gacanta ku dhigeen Salah Abdeslam oo ahaa ruux haysta dhalashada Faransiiska laguna eedeeyay inuu abaabulay Weerarkii lagu dilay 130-ka qof ee magaalada Paris ee waddanka Faransiiska lagu qaaday bishii November ee sannadkii hore ee 2015-ka.
 
Alex Rossi oo ah wariye u shaqeeya Tv-ga Sky News oo British ah, oo xilligaas ku sugnaa gudaha garoonka diyaaradaha Brussels, ayaa sheegay inuu maqlay laba qarax oo waaweyn oo dhawaqoodu ahaa mid aad u xooggan.
 
“Waxaan u qaatay in dhismaha dhaqaaqay… Markiiba waxaa na soo galay Qiiq iyo Boor; Dhammaan rakaabkii garoonka ku sugnaa ayaa billaabay in ay dibadda u cararaan, iyagoo argagaxsan,” ayuu yiri Alex Rossi.
 
Goobta Tareennada laga raaco, ayaa la sheegay inuu ka dhacay hal Qarax ayna ku dhinteen 12-ruux, halka garoonka oo ay ka dhaceen laba qarax la sheegayo inay ku dhinteen 15-ruux oo kale, iyadoo maanta Magaalada Brussels ee Belgium la sheegay inay ka jirto xalaad jah-wareer ah oo aad u kacsan.
 
Dalalka Galbeedka ah ayaa qaraxyadan ka dhacay Brussels waxay si aad ah uga muujiyeen walaac, iyadoo waddamada Britain iyo Holland ay markiiba xoojiyeen amniga guud ahaan magaalooyinka waaweyn ee dalalkooda.
 
Muuqaallo la baahiyay, ayaa muujinayay qiiq madoow oo ka baxaysay Garoonka iyo Dad badan oo cararaya, iyadoo qaar ka mid ah rakaabkii doonayay inay ka raacaan Tareennada xarunta tareennada ee la qariyay ay sheegeen in dhiib aad u badan uu yaallay goobtaas.
 
Xarunta tareennada ee la qarxiyay oo lagu magacaabo Maelbeek ayaa waxay ku dhaweyd Dhismaha Xarunta Midowga Yurub. Waxayna Warbaahinta Dalkaas ku War-ramayaan in ruuxa qaraxan geystay uu ka mid ahaa dadkii rabay inay xaruntaas ka raacaan Tareen.
 
Gaadiidka gurmadka deg-degga ha ayaa buuxiyay garoonka iyo xarunta tareennada, iyadoo booliisku ay xireen goobtaas oo dhan, Dadkii dhaawacmay iyo iyo kuwii kale ee Dhintayna laga qaadayay goobta, inkastoo shacabka loo diiday inay tagaan.
 
Ra’iisul wasaaraha Belgium, Charles Michel oo isna warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in xaaladda ay si dhaw ula socdaan, Wal-walkooda ugu weynna uu yahay, sidii Rakaabkii iyo shaqaalihii garoonka ee weerarka ka badbaaday aanay waxba u gaari lahayn.
 
Ugu dambeyn, RW Belgium ayaa ugu baaqay shacabka dalkiisa inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah oo ay ku sugnaadaan guryahooda iyo goobaha kale ee ay joogaan, si aanay u soo gaarin dhibaatooyin kale.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com