HomeUncategorized

Ra’isal Wasaare Gaas oo Rajo wanaagsan oo 100% ah ka muujiyey inuu noqdo Madaxweynaha dalka.

Moqdisho, Aug 24-Ra'isal wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Somalia kana mid ah Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka Somalia sidoo kale u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka Somalia Prof C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey

Culumada Somalia oo War-ka soo saaray Colaadda Gaalkacyo
Somalia oo Sharaxaad ka Bixisay Sababta ay igu Biiri weyday EAC
Madaxweyne Xasan sheikh oo qeybaha bulshada iyo maamulka Hiiraan kala hadlay dib u heshiisiinta
Moqdisho, Aug 24-Ra’isal wasaaraha Xukuumada KMG ah ee Somalia kana mid ah Mudanayaasha cusub ee Baarlamaanka Somalia sidoo kale u tartamaya xilka madaxtinimo ee dalka Somalia Prof C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey inuu noqdo Madaxweynaha dalka Somalia oo la filayo in dhowaan lagu doorto magaaladda Muqdisho.
?
Prof: C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa hadalkan sheegay mar uu la hadlayey warbaahinta, waxaana Ra’isal wasaare Gaas sheegay in Xukuumadda uu hogaaminayey mudada sanadka ah ee la magac baxda Badbaaddo Qaran ay wax qabad badan ku guulaystayey mudadii ay jirtey.
?
Waxyaabaha uu sheegay Ra’isal Wasaaruhu in Xukuumadiisu ku guulaystey waxaa kamid ah, samatabixinta kumanaan qoys oo abaaro saameeyeen, xoraynta iyo xasilinta gobolada koonfurta Somalia, sida gobolka, Hiiraa, Bay, Bakool, iyo qaybo kamid ah Jubooyinka & Gedo.
?
Ra’isal Wasaare Gaas wuxuu ka hadlay barnaamijkiisa wax qabad hadii uu noqdo Madaxweynaha Somalia doorashada soo aadan,
?
“Waxaa noo degsan dib u dhis dhab ah in shaqo loo abuuro, dhalinyarada bada ku dhamaanaysa kuwa Al-shaab galaya iyo kuwa burcad badeeda noqonaya in shaqo loo abuuro,in lasoo celiyo Social Service waxyaabihii la odhan jirtey, sida Caafimaadka, Waxbarashada, Biyaha iyo Koronta marka barnaamijkaygu waa barnaamij dheer daqiiqadana kuma soo koobi karo lkn waxaa ii degsan barnaamij cad oo aan dalka ku hogaamin doono afarta sano ee soo socda,” Prof: C/weli Maxamed Cali.?
?
Prof: C/weli Maxamed Cali Gaas, ayaa kamid ah musharaxiinta u tartama xilka madaxtimo ee Somalia, C/weli Gaas wuxuu mudo sanad ah hogaaminayey xukuumada KMG ah ee Somalia, mudadii uu dalka maamulayey wuxuu ku guuleystey, ansxinta Dastuur loo sameeyo dalka, xulista baarlamaan cusub oo tayo leh, hirgelinta doorasho mudo 40 sano ka badan lagu qabto dalka gudihiisa, xoraynta magaalada Muqdisho oo laga saaray ururka Al-shabaab, xoraynta gobolo badan oo ay hore Al-shabaab uga talinaysey, iyo isku xirka Dawlada dhexe iyo maamulada dalka ka jira.
?
Source: Bar-kulan
Diiwaanka Wararka?
Radio Daljir
(B)

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: