Guddiga xulida baarlamaanka oo iska fogeeyay eedayntii Shariif Sh. Axmed.

Moqdisho, Aug 24 – Guddiga farsmada ee xulida baarlamaanka Soomaaliya ayaa si cad isaga fogeeyay eedaymo uu maddooyinkaan dambe usoo jeedinayay mudane Shariif Shiikh Axmed.

Prof: C/llaahi Xiiray oo ah G/kuxiggeenka guddiga farsamada ayaa yiri “Annaga iyo madaxwayne Shariif Shiikh Axmed ma’ahan in nala-dhex-dhexaadiyo, waxaan kala-mudanahay ixtiraam, waxaana annagu wali si caadi ah u wadanaa shaqadii naloo igmaday”.

Prof: Xiiray oo hadalkiisa siiwata kana jawaabayay inay isticmaaleen awood dheeri ah ayaa arrintaasi ku tilmaamay mid been abuur ah, waxaana uu hadalkiisa raaciyay inaysan hayn ciidan balse ay yihiin dad rayid ah oo masuuliyadii loo igmaday gudanaya.

Madaxwayne Shariif Shiikh Axmed ayaa dhawaanayaan u andacoonayay xubno guddiga farsamadu ay u diideen inay ka mid noqdaan xubnaha baarlamaanka cusub ee Soomaaliya, waxaana Shariif uu guddiga ku eedeeyay inay isticmaalayaan awood ka dheeri-ah arrimihii loo igmaday, baaritaanna lagu samayn-doono.

Khilaafka cusub ee ka dhex-curtay guddiga farsmada iyo madaxwayne Shariif ayaa salka ku haya xubna dib loogu celiyay odayaasha dhaqanka, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dalka ka galeen dambiyo.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’
Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com