Culumada Somalia oo War-ka soo saaray Colaadda Gaalkacyo

 

Somalia, November 29, 2015-(Daljir)_ Magaalada Garoowe waxaa ku kulmay Culimada ku mideysan Majmaca Culimada Soomaaliyeed oo ka yimid Gobolada Puntland, Somaliland iyo Koonfurta Soomaaliya iyagoo baaq nabdeed ka soo saaray kulankooda oo ku aadan Dagaalka Gaalkacyo.

Culimada waxay sheegeen in ay xiriiro kala duwan la sameeyeen dhinacyada dagaalamay iyo Dowladalada federaalka Soomaaliya oo ay kala hadleen sidii loo dhamayn lahaa dagaalka nabadna  loo wada qaadan lahaa dhinacyadana uga wada shaqayn lahaayeen.

Sh Maxamed Macalin Axmed oo u hadlay Majmaca Culimada Soomaaliyeed ayaa sheegay in kulankoodu ahaa mid ay nabad loogu raadinayo xaalada Gaalkacyo, Wuxuu sheegay in Culumada ay la hadleen Puntland iyo Galmudug kana codsadeen in dagaalka la joojiyo culumadan looga dhex baxo xalinta dagaalka.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com