Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre oo Kulan la qaatay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Denmark

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali khayre oo Kulan la qaatay Wasiirka Horumarinta Iskaashiga Denmark

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn

Madaxweyne Xaaf “Doorashada Dhuusamareeb ka dhaceysa kama duwana tii Axmed Baasto ee Cadaado”
Guddoomiyaha Gobolka oo sheegay degmooyin hor leh in la gaarsiin doono dhismaha Jidka Sodonka
Caawa & Daljir iyo Cabdinaasir Jeekey, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya (XFS), mudane Xasan Cali Khayre iyo wasiirka horumarinta iskaashiga dowladda Denmark, Rasmus Prehn, ayaa magaalada Washington ku yeeshay kulan looga hadlay qorshaha deyn cafinta dalka iyo sida dowladda Denmark ay dowladda Soomaaliya ugu taageeri karto in deynta laga cafiyo horraanta 2020.

Rasmus Prehn oo ballan qaaday in dowladda Denmark ay sii wadeyso taageerada ay siiso dowladda Soomaaliya ayaa ammaanay guusha ay dowladdu ka gaartay hannaanka dib-u-habeynta.

Mudane Xasan Cali Khayre oo Washington uga qayb galay kulanka miiska wareegsan ee looga hadlay deyn cafinta dalka, ayaa horay kulamo kala duwan ula qaatay wasiirrada maaliyadda Norway, Netherlands iyo Talyaaniga iyo madaxweynaha Bangiga adduunka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: