Madaxweyne Xaaf “Doorashada Dhuusamareeb ka dhaceysa kama duwana tii Axmed Baasto ee Cadaado”

HomeWararka

Madaxweyne Xaaf “Doorashada Dhuusamareeb ka dhaceysa kama duwana tii Axmed Baasto ee Cadaado”

Madaxweynha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb ee ay dowladda Federaalka gadaal ka riixeyso

Caawa & Daljir iyo Xasan Heykal, Daljir Boosaaso ( dhegayso)
HOGAAMIYAHA SSC KHAATUMO OO SHACABKA LA HADLA
MARTISOOR: Eng. Maxamuud Axmed Xasan ‘Dhegoweyne’ waayaha dalka iyo isbaddalka Geeska Afrika (dhegayso)

Madaxweynha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa sheegay in doorashada maanta ka dhaceysa Dhuusamareeb ee ay dowladda Federaalka gadaal ka riixeyso ay tahay mid aan waxba ka jirin.

“Dhuusamareeb doorashada ka dhaceysa waa doorashadii Cadaado ka dhacday oo kale ee Axmed Baasto lagu doortay, midka la dooranaya waa kii Baasto sameeyay oo Cadaado keenay, kan ku xigana waa kii qaabulay Maxamed Xaashi Carabey, Gacanla waa kii kale, anaga dowlad baa nahay, Madaxweynaha waa joogaa, Baarlamaanka waa joogaa, cid walba waa joogtaa, ma ahan dad ay soo qaadaan xamar ka soo daad-guureeyaan oo xafiisyadooda ka shaqeeyaan oo yiraahdaan xildhibaano tihiin, hadana ninkaan doortay”ayuu yiri Axmed Ducaale Xaaf.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.