Ra’iisul Wasaare Xamse’ Waa in laga garaabo Goonni isku taaga Somaliland”

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Xamse’ Waa in laga garaabo Goonni isku taaga Somaliland”

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo shalay ay codka kalsoonida siiyeen baarlamanaka federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay in uu

Waa la quraacdey, waa la qadeeyey, waana la is marxabeeyey!
Saaka & Dunida iyo Maxamed Lakiman, Daljir Garoowe ( dhegayso | daawo )
Puntland oo cashuuraysa shaqalaaha Hay’adaha ku sugan Puntland (Muuqaal)

Ra’iisul wasaaraha cusub ee Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre oo shalay ay codka kalsoonida siiyeen baarlamanaka federaalka Soomaaliya wuxuu sheegay in uu soo dhisayo xukuumad tayo leh oo wax ka qabata dhibaatooyinka dalka ka jira sida abaaraha, amniga iyo dhamaystirka dastuurka qabyada ah ee Soomaaliya.

Wareysi gaar ah oo uu siiyay BBC-da ayaa wuxuu ku sheegay in dowladdiisu ay sidoo kale xoogga saari doonto sidii Dowladda Soomaaliya iyo Somaliland ay si dhab ah oo ehelnimo ah ay ugu wada hadli lahaayeen.

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay 26-ka Juun oo ah maalintii gobollada waqooyi ay xornimada ka qaateen gumeystihii Ingiriiska, ayuu raiisul wasaaruhu wuxuu sheegay in loo baahan yahay in laga garaabo goonni isu taagga Somaliland.

“Arrinta waan go’nay iskama imaan, sababo ayaa jiray, mashaakilaad ayaa jiray. Mashaakilaadkaas in la taabto oo si dhab ah loo wada hadlo oo walaaltinnimo ah, oo ehelnimo ah ayaan dooneynaa,” ayuu yiri.

Wuxuu xusay in loo baahan yahay in la wada yeesho wixii adeeg ah ee la jira dowladda federaalka ee dhaqaalaha la wada lahaa ah.

“Siyaasadda waa lagu kala duwanaan karaa, laakiin waxaa jira waxyaabo kale oo fara badan oo la wadaago, marka in waxaas si walaaltinnimo ah loo wadaago iyo in dowladda federaalka ay mar walba fududeyso waxa u baahna fududeynta, ayuu yiri ra’iisul wasaaraha.

Waxaa kale oo uu intaas ku daray in marka hore loo baahan yahay in la dhiso kalsooni kahor inta aan laga fekerin dhanka farsamada ee wada hadallada Soomaaliya iyo Somaliland.

Waxaa laga joogaa 31 sano markii ay Somaliland ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: