Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay in uu wada-hadallo la galayo Xisbiyada mucaaradka

Madaxweynaha Somaliland oo ku dhawaaqay in uu wada-hadallo la galayo Xisbiyada mucaaradka

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo khudbad ka jeediyey munaasibadda 62-guurada kasoo wareegtay markii Gobolada Waqooyi xorriyaddooda ka qaateey dawladda Ingiriiska, ayaa caddeeyey inay agtiisa taallo oo ay fidsan tahay gogoshii wada-hadalka ee uu horeba ugu baaqay madaxda axsaabta mucaaridka ah, walaaltinimo iyo wada-hadalna uu diyaar u yahay, isaga oo shacabkana ugu baaqay inaanay rumaysan goolaaftanka siyaasadeed iyo hadallada dhinacyadu is weydaarsanayaan.

Qaybaha kala duwan ee bulshada, ayuu madaxweynuhu ugu baaqay inay tacabka u jeestaan, kana tashadaan ku-tiisanaanta wax soo saarka dalalka shisheeye, si looga gudbo xaaladda maanta taagan ee ku timi quutal daruuriga.

Hadalkaan kasoo yeeray Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa kusoo beegmaya xilli uu sii xoogeystay khilaafka kala dhaxeeya Xisbiyada mucaaradka, kaas oo salka ku haaya Arrimaha doorashooyinka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com