Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe” Waa nasiib darro in 62-sano ka dib walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale”

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe” Waa nasiib darro in 62-sano ka dib walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale”

Guddoomiyaha golaha shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa xalay ka qeyb galay munaasabadda xuska 26‐ ka Juun, oo ku beegan 62-sanno guuradii ka soo wareegatay xiligii gobolada waqooyi ee dalkeenna ay xurnimadda ka qaateen gumeystihii Ingiriiska.

Guddoomiye Sheekh Aadan Madoobe oo Khudbad dhan walba taabaneysa ka jeediyey munaasabadda ayaa waxaa uu sheegay in ay nasiib daro tahay in 62-sano ka dib aan walaalaheenna Gobolada waqooyi ay ka maqan yihiin dalka intiisa kale.

“Farxad weyn ayeey ii tahay inaan Ka qeyb galo munaasabadda loogu dabaaldagayey 62 sano guurada ka soo wareegtay xornimadii Gobollada Woqooyi ee 26-ka Juun,” ayuu yiri gudoomiyaha golaha shacabka.

62-sano ka hor 26-ka Juun1960 waxay shacbiga Soomaaliyeed u aheyd maalin weyn, maalin xorriyadeed, maalin farxadeed, maalintii ugu horreysay ee madaxbannaani helaan gobollada Waqooyi ee dalkeenna, isla markaana Calanka buluugga ah laga taagay gayiga dalkeena.

Ugu dambneyntii, wuxuu hambalyo u diray guud ahaan ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay caalamka ka joogaan, wuxuuna hoosta ka xariiqay in loo baahan yahay in dib loo milicsanno halgankii adkaa ee naf iyo maal lahaa ee lagu bixiyay xorriyadda aan maanta heysanno.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com