Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in Soomaaliya ay leedahay laba Cadow

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Xamse oo sheegay in Soomaaliya ay leedahay laba Cadow

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay leedaha laba cadow oo dhibaato kuhaay

Madaxwaynaha Galmudug oo Wasiiro Cusub magacaabaya
Galmudug elects last two senators
Waa sidee dareenka qowmiyadda Oromada ee Bossaso kaddib rabshadihii Itoobiya ku dhexmaray Soomaalida iyo Oromada?

Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Federaalka ah Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Soomaaliya xilligaan ay leedaha laba cadow oo dhibaato kuhaaya, kuwaas oo u baahan inay dadka Soomaaliyeed ka hortagaan.

Ra’iisul Wasaaraha oo Maanta hadal ka jeedinayay Daahfurka Shirka qorshaha qaranka ee kaallinta haweenku ku leeyihiin amniga iyo xasiloonida dalka ayaa sheegay in cadawga koowaad ee Soomaaliya ay tahay abaarta saameysay dad iyo Duuno, taas oo siweyn loo dareemay

Wuxuu sheegay in dadka Soomaaliyeed oo haweenka ugu horreeyaan looga baahan yahay inay doorweyn ku yeesheen gurmadka loo sameeynayo dadka Soomaaliyeed, isla markaana dhankooda Shacabka ay u gurmadaan dadka ay abaartu saameeysay.

Xamse Cabdi Barre Ra’iisul Wasaaraha oo sii hadlayay waxaa uu sheegay in sidoo kale cadawaga labaad ee Shacabka Soomaaliyeed ay yihiin Ururka Al-Shabaab oo dhibaato ku haaya Shacabka Soomaaliyeed.

” Al-Shabaab waa dhibaatada kajirta dalkaan, in aan la dagaalano oo aan iska celino dagaalkooduna uu bannaan yahay maahan mid been ah oo daliil u baahan, midka shalay hiiraan waxaad aragta ku sameeynayay miyaa daliil u baahan in lala diriro ayuu yiri” Ra’iisul Wasaaraha.

Ugu dambeyn Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa u tacsiyadeeayay dadkii ay dhawaan Al-Shabaab ku dileen degaano katirsan Gobolada Hiiraan & Galgaduud, wuxuuna sheegay in ay bilaabatay guushii ummadda Soomaaliyeed iyo in dadka Soomaaliyeed looga baahan ahay inay laba jibaaraan la dagaalanka Al-Shabaab, Xukuumaddana ay gara taagan tahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0