Madaxwaynaha Galmudug oo Wasiiro Cusub magacaabaya

Wararka laga helayo magaalada Dhuusomareeb ee xarunta gobolka Galgaduud ayaa ku waramaya madaxwaynaha Galmudug inuu magacaabayo gollle wasiiro oo cusub.

Golahan wasiirada ayaa waxaa qayb ka noqon doonaa maamulkii Ahlu Sunah ee gobolada dhexe oo dhowaan ku biiray Galmudug.

Wararka ayaa sheegaya inuu soo dhamaaday wadatashiyo madaxwayne Axmed Geelle Xaaf uu la sameeynayay dhinacyada kalle duwan ee bulshada Galmudug.

Madaxwayne kuxigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka Galmudug ayaa dhowaan kasoo horjeestay heshiiska awdood qaybsiga ee dhexmaray Galmudug iyo maamulkii Ahlu Suna Waljaamaca oo qayb ka ahayd in baarlamaanka labada dhinac la mideeyey.

 


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com