Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amniga goobta lagu qabanaayo doorashada ku wareejiyay howlgalka ATMIS

Ra’iisul Wasaare Rooble oo Amniga goobta lagu qabanaayo doorashada ku wareejiyay howlgalka ATMIS

Raiisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in uu ku wareejiyay howlgalka ATMIS sugida goobta loogu tala galay in ay ka dhacdo doorashada Guddoonka Golaha Shacabka iyo iyo Madaxweynaha.

“Anigoo tixgelinaya caqabadaha amni ee lagu carqaladeynayo dhammeystirka doorashada, waxaan faray ciidanka nabad ilaalinta ATMIS in ay si degdeg ah ula wareegaan amniga teendhada Afisiyoone si aan u taabba-galinno doorashada guddoonka Baarlamaanka, uguna diyaar garowno doorashada Madaxweynaha bisha soo socota.” Ayuu yiri Raiisul wasaare Rooble.

Waxaa uu intaasi kusii daray “Hoggaanka ATMIS waxay si dhow ula shaqeyn doonaan xafiiskayga iyo Wasaaradaha Amniga iyo Gaashaandhigga iyo waliba Guddoonka Baarlamaanka”

Waxaa ugu dambeyntii uu xusay in liiska xildhibaannada galaya teendhada Afisiyoone waxaa soo gudbinaya guddoomiyaha KMG ah, kaddibna waxaa hubinaya oo ATMIS u gudbinaya xafiiskeyga.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com