Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay La Taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka

HomeWararka

Ra’iisul Wasaare Khayre oo La Kulmay La Taliyaha Amniga Qaranka Mareykanka

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qa

Dagaal khasaare geeystay oo ka dhacay degaanka Cawsane ee gobalka Sanaag
Golaha Af-hayeenada gola yaasha xeer-dajinta Soomaaliya oo Garoowe shir uga furmay (dhegayso)
Waraysi:Wasiirka Deegaanka,Beeraha iyo waraabka Puntland (dhegayso)

Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa maanta magaalada Washington kulan kula qaatay la taliyaha amniga Qaranka Mareykanka, John Bolton.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre iyo John Bolton ayaa ka wada hadlay horumarka ay Soomaaliya ka sameyneysay soo kabashada dhaqaalaha, dib-u-habeynta hay’adaha amniga iyo sida uu Mareykanku u joogtaynayo taageerada Soomaaliya ee dhanka la dagaallanka argagixisada.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa uga mahadceliyay John Bolton soo dhaweynta diirran ee uu ugu sameeyay aqalka cad iyo wadhadallada miro dhalka ah ee ay wad yeesheen.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: