Ciidamadda Booliska oo Muqdisho howlgal ka sameyeey soona qabtay Minooyin iyo hub (Sawiro)

Ciidamada Amniga ayaa xalay howlgal qorsheysan ku galay guri ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, halkaasoo lagu soo qabtay waxyaabaha qarxa, bambooyin iyo bastoolado.

Howlgalkan ayaa waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka u tababaran, waxaana la sheegay in gacanta lagu soo dhigay nin la sheegay inuu ka mid ahaa Al-Shabaab.

Qoraal la soo dhigay barta Twitter-ka ee NISA ayaa lagu sheegay in ninka la soo qabtay uu ahaa dhagar qabe doonayay inuu shacabka dhibaateeyo.

” Ciidanka Amniga ayaa howlgal ay ka fuliyeen “Ceelasha Biyaha” kusoo qabtay , dhagarqabe gurigiisa kuhayey walxa qarxa, si shacabka loogu dhibaateeyo, walxaahas oo kala ah 10 Miinada gawaarida lagu dhajiyo 10 Mobile, Bastoolado iyo 8 Bambo F1″ayaa lagu yiri qoraalka NISA ee la soo dhigay barta Twitter-ka.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com