Golaha Af-hayeenada gola yaasha xeer-dajinta Soomaaliya oo Garoowe shir uga furmay (dhegayso)

Golaha Af-hayeenada gola yaasha xeer-dajinta Soomaaliya oo  Garoowe shir uga furmay (dhegayso)

Gudoomiyayaasha Baarlamaanada Dowlad Gobaleedyada iyo dowladda Federalka ayaa maantay garoowe waxaa uga furmay shir soconaya labo maamood.

Shirkan ayaa waxaa looga hadli doonaa iskaashiga iyo wada shaqeynta ka dhaxeysa Gudoomiye yaasha baarlamaanka dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada Puntland, Koofur Galbeed, Hirshabeelle, Jubbaland,waxaana ka soo qaybgalin Guddoomiyaha baarlamaanka maamulka Galmudug oo khilaaf ka dhextaagan baarlamaanka uga maqan shirkan.

Shirkan ayaa marka uu soo dhamaado waxaa lafilayaa in laga soo saaro war murtiyeed dhowr qodob ka kooban oo lagu xalinayo khilaafaadka u dhaxeeya Aqalka Sare iyo kan Hoose.

wariye Jaamac Cabdiraxmaan Axmed ayaa earbixinta soo jeedinay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com