Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa  la kulmay guddoonka labada Aqal

HomeWararka

Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa la kulmay guddoonka labada Aqal

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta waxaa uu hooygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Sen

Ciid Wanaagsan ku Ciida!
Saaka & Dunida iyo Khadar Cawl Ismaaciil, Daljir Buuhoodle (Dhegayso)
Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland oo Shaqadiisi Dib loogu Celiyeey (Akhri)

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa Maanta waxaa uu hooygiisa ku booqday Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi Cabdillaahi, taas oo aheyd salaan iyo isbarasho.

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo bogaadin, dardaaran iyo talooyin wax ku ool ah siiyay Ra’iisul Wasaaraha Cusub ayaa Allah uga baryay in uu ku asturo kuna guuleeyo waajibaadka culus ee loo igmaday.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa dhankiisa uga mahad celiyay Guddoomiye Cabdi xaashi taageerada uu u muujiyay iyo dadaalkii uu u galay qabsoomida doorashadii ka dhacday dalka.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha magacaaban ee JFS Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa booqasho iyo salaan ugu tagay Guddoomiyaha Golaha ShacabkaAadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo ugu hambalyeeyay xilka qaran ee loo magacaabay.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Guddoonka Golaha Shacabka ka codsaday in ay ku gacan siiyaan sidii uu heli lahaa kalsoonida Golaha, si uu u soo dhiso xukuumad cusub.

Ra’iisul Wasaaraha Magacaaban ee Xukuumadda Soomaaliya Xamsa Cabdi Barre ayaa sidoo kalenla filayaa in saacadaha soo socda uu kulamo kala duwan la qaato mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya & Dowlad Goboleedyada.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: