Shiinaha oo jawaabtii ugu adkayd ka bixiyay hadal uu yiri Madaxweyne Joe Biden

HomeWararka

Shiinaha oo jawaabtii ugu adkayd ka bixiyay hadal uu yiri Madaxweyne Joe Biden

Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabti

Xulashadda Daljir | Ayaanle Cabdulaahi Jaamac | Daljir Caabudwaaq
Maleeshiyaadka Oromada oo shacab ku laayey tuulada DAARIMI ee TULI GUULEED
Haddii aan midaysnaan lahayn Waan ka adkaan lahayn Argagixisada Madaxweyne Farmaajo

Dhowr isbuuc kaddib markii uu Madaxweynaha Mareykanka digniin ku aaddan arrimaha Taiwan u diray Shiinaha, xukuumadda Beijing ayaa soo saartay jawaabtii ugu adkayd abid.

War kasoo baxay dowladda Shiinaha ayaa lagu sheegay inay ka adkaan doonaan isku day kasta” oo lagu raadinayo madaxbannaanida Taiwan.

Wasiirka Gaashaandhigga ee Shiinaha, Janaraal Wei Feng, ayaa sidoo kale isbuucan Mareykanka ku eedeeyay inuu dagaal ka riixayo rabitaanka madaxbannaanida jasiiraddaas, isagoo sheegay in Mareykanku “uu jebiyay ballantii uu u qaaday arrimaha Taiwan” uuna “soo farogelinayo” arrimaha Shiinaha.

“Aan caddeeyo warkayga, haddii cid kasta ay isku daydo in ay Taiwan ka goyso Shiinaha, kama labolabayn doonno inaan qaadno dagaal,” ayuu yiri Janaraal Wei Fenge, oo ka hadlayay shirka amniga Aasiya oo ka dhacay waddanka Singapore.

Hadallada adag ee kasoo baxay wasiirka Gaashaandhigga Shiinaha ayaa daba socday farriin uu dhawaan madaxweynaha Mareykanka, Joe Biden, u diray Shiinaha, taasoo uu ugu sheegayay inay “khatar ku ciyaarayso” maadaama ay diyaaradaheeda dagaalka ku duulinayso hawada u dhow Taiwan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: