HomeUncategorized

Ra’iisul Wasaaraha dalka Oo Hambalyo U Diray Madaxweynaha la doortay ee Jamhuuriyadda Djibouti

Muqdisho, April 9, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday shalay.

Madaxwaynaha Puntland oo la kulmaya waxgaradka Qardho
Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Galkacyo oo cakiran.
Haweeney Faransiis ah oo lagu afduubtay meel loo dalxiistago oo u dhaw xadka Soomaaliya iyo Kenya.
Muqdisho, April 9, 2016…..Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, ayaa hambalyo u diray Madaxweynaha Jamhuuriyadda aan walaalaha nahay ee Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee dalkaasi ka dhacday shalay.
 
“Anigoo ku hadlaya magacayga, magaca Xukuumadda iyo ka shacbiga Soomaaliyeed , waxaan Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, adiga iyo shacbiga aanu walaalaha nahay ee Djibouti kuugu hambalyaynayaa guushii iyo natiijadii ka soo baxday doorashadii madaxtinimo ee ka dhacday wadankaaga oo mar kale shacbiga Djibouti ay kugu siiyeen kalsoonidooda oo ay kuu doorteen Madaxweynaha cusub ee dalkaasi, waxaan kuu rajaynayaa in ILAAHAY kuu fududeeyo masuuliyadda shacbigaagu ku saareen”ayuu yiri R/Wasaare Cumar.
 
“Shacabka iyo Dawladda Soomaaliyeed waxay ogsoon yihiin taageeradda iyo gacan qabashada aad noo fidisaan, taasi oo aan rajaynayo inay sii xoojin doonto xiriirka iyo wax wada qabsiga u dhaxeeya Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Djibouti.
 
—-DHAMMAAD—
 
Ahmed-nur Mohamed 
Prime Minister’s Media Office 
Mogadishu Somalia 
Twitter: @SomaliPM

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: