Madaxwaynaha Puntland oo la kulmaya waxgaradka Qardho

Qardho, Nov 24 ?- Madaxwaynaha dowladda ?Puntland Dr. ?C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroolle iyo wafdi golihiisa xukuumadda katirsan ayaa booqasho ku jooga magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar.

?
Madaxwaynaha iyo weftigiisa ayaa xalay ku hoyday magaalada Qardho, kadib markii shalay ay gaareen, illo ku dhow-dhow xubanaha madaxwaynaha ku wehlisa socdaalkiisa ayaa xaqiijinaya madxawaynuhu ?inuu la kulmi doono bulshada gobolka Karkaar gaar ahaana odayaasha dhaqanka.
?
Arimaha ugu waawayn ee kulumada lagu soo qaadayo ayaa ka mid ah xaaladda guud ee Puntland, mudaaharaad looga soo horjeedo doorashada madaxtooyada in dib looga dhigo Jan, 2013 ayaa shalay kadhacay magaalada Qardho, kaasi oo markii dambe laba qof ay ku dhaawacmeen rasaas ciidamada amaanka ay doonayeen inay ku kala eryaan dadka mudaaharaadka dhigayay.
?
Xaaladda ayaa xiligaan dagan, iyadoo la dhowrayo waxa kasoo bixi doona kulamada madaxwaynaha uu la qaadanayo odayaasha dhaqanka ee gobolka Karkaar iyo bulshada, waxaa socdaalkiisa ugu soo gudbi doonaa magaalada Bosaso xarunta ganacsiga Puntland.
?
Diiwaanka Wararka
Daljir Bossaso.
?
?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com