Wararkii ugu dambeeyey ee xaaladda magaalada Galkacyo oo cakiran.

Galkacyo, Oct 11 2016–Xaaladda magaalada Galkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa saaka kacsan kadib dagaal u dhexeeya Puntland iyo Galmudug oo dib uga qarxay.

Ciidamada labada dhinac ayaa kuwada sugan bartamaha iyo daafaha magaalada waxaana dadku ay siweyn uga cabsi qabaan dagaal markale kadhaca halkaasi.

Qaar kamid ah shacabkii kunoolaa magaalada gaar ahaan dhanka Koonfureed ayaa sameeyey barakac ballaaran iyadoona ilaa xalay lasheegay in magaalada siweyn looga barakacay.

Odayaasha dhaqanka ee labada dhinac ayaa ku guuldaraystay waanwaan xabad joojin ah oo ay wadeen, waxaana magaalada gaarey saraakiil ciidan oo ka kala tirsan labada dhinac.

Madaxda Puntland iyo Galmudug midna kama hadlin dagaalkii shalay iyo xiisadaha colaadeed ee Jaahwareeriyey dadka shacabka ah, waxaana weli sidoo kale ka aamusan madaxda heer fadaraal ee Soomaaliya.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com