(Dhagayso) Aqoonyahan Axmed Maxamuud: Madaxwayne Gaas Jahwareerka Siyaasadeed ummadda haka daayo.

Toronto, 08 – April – 2016 – Axmed Maxamud Yaasiin (Burhaan) oo ka mid ah aqoonyahannada kasoo jeeda deegaannada Puntland ee ku nool dalka Canada oo waraysi gaar ah siiyay Radio Daljir ayaa walaac ka muujiyay qaab-ka hoggaamineed ee madaxwayne C/wali Maxamed Cali Gaas.
 
“Dhibaatada noogu daran xilligaan waxay tahay isbad-badelka Madaxwayne Gaas, waxaan ku jahwareersannahay meel aan u raacno, waxaa tusaale noogu filan qaddiyada Galmudug iyo sida uu u maareeyay, waxaan la soconnaa in go’aamo badan oo masiiri ah uu labo-labeeyay, waana jahwareer aad dhib wayn noogu hayo”
 
Md. Burhaan waxaa uu walwal ka muujiyay mustaqbalka Puntland iyo siyaasadda madaxwayne Gaas, waxaana uu xukuumada ugu baaqay in ay yeelato mab’da iyo meel loogu soo hagaago.
 
Aqoonyahan Axmed Maxamuud waxaa uu meesha ka saaray in DF ay ka baxayso 4.5, waxaana uu tusaale usoo qaatay in Puntland ay ku fashilantay hirgalinta Nidaamka Asxaabta badan, loona baahanyahay sidii dag dag loogu hirgalin-lahaa Nidaamka asxaabta badan.
 
Hoos ka dhagayso Waraysigii Aqoonyahan Axmed Maxamuud Yaasiin (Burhaan) Waxaana waraystay wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin.
 
Diwaanka Wararka,
Radio Daljir,

Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com