Rabashado ka dhex aloosan ciidamada Itoobiya iyo shacabka Wardheer

HomeWararkaDowladda Deegaanka Soomaalida

Rabashado ka dhex aloosan ciidamada Itoobiya iyo shacabka Wardheer

Wiil kamid ah dhallinyarada Wardheer ayaa rag dharcad ahi waxa ay u geysteen jirdil sababay dhaawac. Jirdilka oo ka dhacay magaalada Wardheer ee gobol

Dakharada gumeystaha iyo gumeysi-kalkaaliyaha maanta oo Soomaali ah
Maleeshiyaadkii difaaca Tuli Guuleed oo jiidda laga soo saaray laguna xereeyey Xerada Garabcase
Saraakisha Cafimaadka DDS oo sheegay Cali khaliif Galayr inuu u geeriyooday COVID-19

Wiil kamid ah dhallinyarada Wardheer ayaa rag dharcad ahi waxa ay u geysteen jirdil sababay dhaawac. Jirdilka oo ka dhacay magaalada Wardheer ee gobolka Doollo ee Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) ayaa markii danbe sababay in ragga dharcadda ah xabsiga loo taxaabo, laakiin waxaa ka dabayimid ciidamada gaashaaman ee federaalka, raggii dharcadda ahaana xoog ugala baxay xabsiga.

Markii ciidamadu ay raggaas xabsiga kala baxayeen ayaa shacabka magaaladu isku soo baxeen, ayaga oo ka horyimid in raggaas xabsiga lagala baxo. Ciidamada ayaa markii danbe rasaas nool ku kala eryey shacabkii mudaharaadayey, lamana sheegin cid ku dhaawacantay rasaasta ciidamadu la beegsadeen shacabka magaalada Wardheer.

Illaa iyo hadda madaxda Dowlad Deegaanku wax war ah kama aysan soo saarin xaalka magaalada Wardheer. Kusimaha Madaxweynaha, Mustafe Cagjar ayaa weli ku sugan deegaanka Oramiya.

Diiwaaka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: