Maleeshiyaadkii difaaca Tuli Guuleed oo jiidda laga soo saaray laguna xereeyey Xerada Garabcase

Maleeshiyaadkii difaaca Tuli Guuleed oo jiidda laga soo saaray laguna xereeyey Xerada Garabcase

Ciidamadii difaaca kaga jirey jiidda hore ee TULI GUULEED ayaa dhamaantood la soo daabuley, laguna soo xareeyey xerada tababarka ciidamada ee GARABCASE, kuna taal duleedka Jigjiga.

Xukuumadda Mustafe Cagjar ayaa sheegtay in ciidanka loo furayo tababar, walloow isla xukuumaddu ay hadda kahor sheegtay in la tirtiri doono ciidamada maleeshiyaadka ee difaaca degmada Tuli Guuleed. Deegaanka Tuli Guuleed ayaa waxaa qaybo kamid ah la wareegay maleeshiyaadka Ormada ee QEERO.

Ciidanka difaaca Tuli Guuleed oo hore maamulka DDS si joogto ah uga heli jirey mushaaraadka iyo taakuleynta ayaan muddo siddeed bilood ah wax mushahar ah ka helin xukuumadda, loona sheegay in la jaray mushaaraadkoodi.

Ciidanka Soomaalida ee difaaca Tuli Guuleed ayaa ah maleeshiiyaadka kaliya ee illaa iyo hadda lagu wado hub-ka-dhigis, meesha maleeshiyaadka kale ee qowmiyadaha Oromada iyo Canfartu ay weli hubeysan yihiin.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir
Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com