R.W Ku xigeenka oo daahfuray wajiga 2-aad ee isla xisaabtanka XFS (Akhriso)

HomeWararka

R.W Ku xigeenka oo daahfuray wajiga 2-aad ee isla xisaabtanka XFS (Akhriso)

Waxaa dib u furmay wajigii labaad shirkii looga hadlayay Isla Xisaabtanka Xukuumada, waxaana shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo shir degdeg ah ku yeeshay Buurta (war saxaafadeed)
Warka Duhurnimo ee Daljir iyo Maxamed Lakiman (dhegayso)
Qof sitay Walxaha Qarxa oo lagu dhex qabtay Diyaaradda Ethiopian Airlines

Waxaa dib u furmay wajigii labaad shirkii looga hadlayay Isla Xisaabtanka Xukuumada, waxaana shir gudoominayay Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumada Fedraalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khader).

Waxaa ka soo qeyb galay kulanka qaar ka mid ah Wasaaradaha xukuumadda iyagoo lagu waydiiyay su’aalo ku saabsan waxqabadkooda mudadii ay xukuumadda jirtay iyo wixii u qabsoomay.

Wasiiradii ka soo qayb galay ayaa waxay ka warbixiyeen waxqabadkooda iyagoo ku soo bandhigay hab qoraal ah, waxay kaloo ka warbixiyeen hiigsigooda bilaha soo socda iyo siday ugu diyaargaroobeen, sidoo kale waxay soo bandhigeen caqabadaha hor taagan wasaaradahooda iyo sida lagu xalin karo.

Ra’isal Wasaare ku xigeenka Xukuumada ayaa waydiiyay.

Su’aalo ku saabsan 100 ka maalmood ee soo socda,
Xiriirada kala dhaxeeyo Hay’adaha aan dowliga ahayn iyo kuwa dowliga ah, ee ay xukuumadda ay saaxiibka la tahay.
Xooginta xiriirka Dowlad Goboleedyada
Dhamaystirka hindiso sharciyeedyada
Dhamaystirka qaab dhismeedyada Wasaaradaha
Dhisida hay’adaha qiimaynta iyo kormeerka (M&E) iyo xisaabtanka
Shaqo u abuurinta dhalinyarada iyo fursad siintooda
Ugu danbayntii xubnihii golaha xukuumadda ee ka soo qayb galay shirkan ayaa soo bandhigay wax-qabadkooda 100 ka maalmood ee soo socda waxayna rajo fiican ka muujiyeen in wasaaradahooda ay ku tilaabsan doonaan horumarada laga filaayo iyo doorka wax-qabaneed ee ay shacabka Somaaliyeed ay ka filaayaan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: