Qof sitay Walxaha Qarxa oo lagu dhex qabtay Diyaaradda Ethiopian Airlines

HomeWararka

Qof sitay Walxaha Qarxa oo lagu dhex qabtay Diyaaradda Ethiopian Airlines

Faahfaahin ayaa ka soo baxaya Nin Ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo boorsadiisa laga helay walxo

Xulashada Daljir iyo Maxamed Xasan Dhalo , Daljir Badhan (dhegayso)
GAROWE: HAB CASRI AH OO GAADIIDKA LOO CILAD BIXINAYO (daawo)
Somaliland oo Safarad ka furatay Dalka Finland

Faahfaahin ayaa ka soo baxaya Nin Ajnabi ah oo Sabtidii la soo dhaafay lagu qabtay garoonka diyaaradaha Muqdisho, kaasoo boorsadiisa laga helay walxo qarxa, xilli uu raaci rabay Diyaaradda Ethiopian Airlines.

Ninkan ayaa la sheegay inuu u dhashay dalka Koofur Afrika, waxaana boorso uu watay laga helay Gaaska qarxa.

Ciidamada Ammaanka Garoonka ayaa ninkan gacanta ku dhigay, waxaana markii dambe la wareegay Ciidamo Ajnabi ah oo Garoonka ku sugan.

Wararka qaar ayaa sheegaya in ninkan uu u shaqeynayay Shirkad Ajnabi ah oo xarunteeda tahay yahay Xeyndaabka Garoonka diyaaradaha.

Diyaaradda Ethipian Airlines ayaa si KMG ah u hakisay baajisay duulimaadkeeda Muqdisho, sababo la xiriira ninka ka midka ahaa rakaabka diyaaradda ee boorsadiisa laga helay walxaha Gaaska qarxa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: