Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo shir degdeg ah ku yeeshay Buurta (war saxaafadeed)

Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo shir degdeg ah ku yeeshay Buurta (war saxaafadeed)

Shir Deg Deg ah oo ay yeesheen Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland uuna Shir-Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa looga hadlay arrimaha kala ah dmniga dalka, habsami socodka dhismaha wadada Jalam- Gaalkacyo iyo taageerida go’aankii golaha iskaashiga Dowladdaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya

Xaaladda Amniga Dalka:

Wasaaradda Amniga oo uga warbixisay Golaha Xukuumada Dowladda Puntland guud ahaan xaalada nabadgeliyo ee dalka ayaa sheegtay in amniga dalku sareeyo loona baahan yahay in si wadajir ah loo ilaashado nabada iyo horumarka, Sidoo kale Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa faray shacabku inay la shaqeeyaan laamaha amaanka ee u taagan difaaca dalka iyo naafeynta cadowga handadaya nabada iyo wadajirka tisqaaday.

Dhismaha Wadada Jalam – Gaalkacyo

Golaha Xukumadda Dowladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystey Wasaaradda howlaha Guud iyo gaadiidka oo qiimeyn ku sameysay habsami u socodka dhismaha waddada halbowlaha ah ee isku xirta Jalam iyo Gaalkacyo, Wasaaradda ayaa sheegtay in sidii loogu talagay mashruucu u socdo isla markaana uu ku dhammaan doono mudadii loo qorsheeyey.

Sidoo kale Golaha Xukuumada Dowladda Puntland ayaa shacab weynaha Puntland u sheegay in mashruucaasi si baaxad leh u socdo dowladduna ay xilweyn iska saareyso dabagalkiisa iyo hirgalintiisaba, iyadoo asbuucaan la bilaabayo wajigii koobaad ee daamur saarida Burtinle-Xarfo.

Taageerida Go’aankii Golaha Iskaashiga (GIDG)

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa uga warbixiyey Golaha xukuumada Dowladda Puntland safarkii Kismaayo ee shirkii wadatashiga Dowladdaha xubinta ka ah Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, waxuuna madaxweynahu sheegay inuu ahaa shir macnaweyn u leh ummada soomaaliyeed loogana wada hadlay masaalixda qaranka iyo geedi socodka danaha dalka iyo dadka gaar ahaan arrimaha federaaliisimka.

Ugu danbeyn golaha xukuumada oo ku dheeraaday geedi socodka siyaasada dalka ayaa si buuxda u taageeray dhammaan go’aamadii kasoo baxay Golaha Iskaashiga Dowladdaha Xubinta ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee kismaanyo lagu gaaray 8/9/2018.

=DHAMMAAD=

Xafiiska Warfaafinta Wacyigalinta, Hiddaha Iyo Dhaqanka Madaxtooyada Dowladda Puntland

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com