Qodobo Soomaaliya u daneynaya oo laga soo saaray Shirkii Wasiirada Caddaalada ee Jaamacadda Carabta

Qodobo Soomaaliya u daneynaya oo laga soo saaray Shirkii Wasiirada Caddaalada ee Jaamacadda Carabta

Kalfadhigii 38aad ee Wasiirada Arrimaha Caddaaladda ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Ifran ee dalka Boqortooyada Marooko.

Wasiirada Cadaalada Ururka Jaamacadda Carabta ayaa soo saaray qaraaro muhiim ah ku saabsan la dagaalanka Aragagixisada iyo horumarinta Cadaalladda.

Wasiirka Cadaalada iyo Arrimaha Dastuurka Hassan Macallin Maxamuud oo shirka ka qayb galay ayaa go’aanada la isla qaatay ku tilmaamay “ kuwa kusoo aaday waqtigii loo baahnaa”.

Wasiirku waxa uu sii tibaaxay dawladaha ku bahoobay Ururka ayaa iska kaashan doona dhismaha hay’adaha iyo shuruucda muhiimka u ah la dagaalanka argagixisada iyo dambiyada abaabulan kuwaas oo Soomaaliya ka caawin doona talaabooyinka lagu hortagayo dambiyada isaga talaaba wadamada iyo qaaradaha .

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com