Shirweynaha Booliska Adduunka oo looga hadlay Dambiyada Maaliyadda

HomeWararka

Shirweynaha Booliska Adduunka oo looga hadlay Dambiyada Maaliyadda

Soomaaliya ayaa ka qeybgaleysa shir weynaha Hay’adda Booliska Adduunka ee Interpol. Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali oo uu w

RW Khayre:”Maxay ciidamadu u kala tegi waayeen xilli aysan muddo sanad ah mushaar qaadanayn.?”
Caawa & Daljir iyo Cabdifataax Cumar Geeddi, Daljir Muqdisho (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Soomaaliya ayaa ka qeybgaleysa shir weynaha Hay’adda Booliska Adduunka ee Interpol.

Wasiirka Amniga Gudaha Mudane Maxamed Axmed Sheekh Cali oo uu wehliyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar iyo wafdi ka kooban saraakiil Sarsare oo ka socda Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa magaalada New Delhi ee Dalka Hindiya kaga qayb galay meertada 90-aad ee Shirweynaha Booliska Adduunka ee INTERPOL.

Shirka oo ay ka soo qayb galayaan madax ka kala socota in ka badan 165 dalka ayaa socon doona inta u dhexaysa 18 ilaa 21 bishan Oktoobar.

Shirka inta uu socdo ayaa looga hadli doonaa ka hortagga denbiyada maaliyadeed ee caalamiga ah, wax kaqabashada burcadda Internet-ka, la dagaallanka argagixisada, ka hortagga denbiyada xuduudaha isaga gudba, daroogada iyo lacagaha sharci darrada ah, kuwaas oo dhammaan ka mid ah khataraha uu wajahayo guud ahaan amniga caalamku.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: