HomeUncategorized

QM oo ku xigeenka Nicholas Kay u magcowday Ph. Lazzarini oo ah isu arrimaha bini?adanimo ee dalka

New York, December 31, 2013 - Isu-duwanaha arimaha bini?adanimo ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa loo magcaabay xil kale oo uu ku jira howlaha UN-ka ee Soomaaliya.

DHEGEYSO-Qoyska wiil waalan oo Galmudug maxbuus Jubbaland ah ku sheegtay.
Maanhadal: muranka doorashooyinka Puntland, Ururo diidan sida wax loowado iyo dawlada oo is difaacdey.
(DHAGEYSO) Xildhibaan Cabdalla Bare Jibriil oo ka hadlay Xiritaanka Radio Daljir

New York, December 31, 2013 – Isu-duwanaha arimaha bini?adanimo ee Qaramada midoobey u qaabilsan Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa loo magcaabay xil kale oo uu ku jira howlaha UN-ka ee Soomaaliya.

Qoraal ka soo baxay xafiiska xoghayaha guud ee qaramada midoobey Bank Moon ayaa lagu sheegay in Philippe Lazzarini uu noqonaya ku xigeenka wakiilka gaarka ah ee xoghayaha guud u qaabilsan Soomaaliya.

Lazzarini wuxuu ku xigi doonaa Nicholas Kay oo ah wakiilkada xoghayaha guud ee qaramada midoobey u qaabilsan dalka Soomaaliya.

Bank Moon qoraalka ka soo baxay xafiiskiisa waxaa lagu sheegay in Lazzarini uu sii hayn doono howlaha shaqo ee Qaramada midoobey ee khuseeya dalka Soomaaliya, tan iyo bishii May wuxuu ahaa isu-duwaha arrimaha bini?adanimo UN-ka u qabilsan Soomaaliya.

Philippe Lazzarini oo howsha qaramada midoobey ee Soomaaliya sii wadi doona wuxuu u dhashay dalka Swezerland, wuxuuna ka soo shaqeeyey dalal badan oo ay ka mid yihiin koofurta Sudan, Lubnan, Jordan Falastiin, Bosnia, Angola iyo Rwanda.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: