Mahad Cawad ?saddex maalmood kadib ayaa baarlamanku ka doodi doonaa qorshaha Bankiga?

Muqdisho, December 31, 2013 – Baarlamanka federaalka ee Soomaaliya ayaa maalmaha soo socda ka doodi doona horumarinta iyo dib-u-dhiska Bankiga dhexe ee Soomaaliya, sida uu shaaciyey gudoomiye ku xigeenka baarlamanka Mahad Cabdalla Cawad.

Xoghayaha wasaaradda maaliyada Soomaaliya Cismaan Xaaji Cali ayaa sheegay inay macluumad u gudbiyeen baarlamanka federaalka ah, kaas oo ay ka soo aruuriyeen madaxdii hore ee Bankiga Soomaaliya.

Baarlamanka ayaa shalay war-bixin ka dhegaystay guddi ka socday wasaaradda maaliyada dowladda federaalka ee Soomaaliya, war-bixinta ayaa xanbaarsanayd macluumaad badan.

151 mudane oo ka tirsan Xildhibaanada ayaa shalay fadhiyey kulankii baarlamanka, Mahad Cawad oo ah gudoomiye ku xigeenka labbaad ee baarlamanka soomaaliya wuxuu sheegay in laga doodi doono qorshaha bankiga horumarinta dalka saddex maalmood kadib.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com