Ku xigeenka duqa degmada galkacayo oo maanta weerar isku day dil ah ka badbaaday (Sawirro)

Galkacayo, December 31, 2013 – Goor hore oo maanta ah waxaa magaalada Galkacayo qarax lagu weeraray gudoomiye ku xigeenka degmada Galkacayo Cabdi Cismaan Faarax.

Cabdi faarax Ciiro ayaa qaraxa lala beegsaday goor uu ka soo baxay gurigiisa, waxaana lagu dabiibayaa cisbitalka wayn ee magaalada Galkacayo, sida ay sheegeen weriyaasha Daljir ee halkaas jooga.

Gudoomiye xigeen Ciiro oo la hadlay Radio Daljir waxaa uu sheegay in xaaladiisa ay tahay mid wanaagsan, Ciiro ayaa tilmaamay in firir soo gaaray oo aan dhaawac culus jirin

Maamulka Cisbitalka Axmed diiriye Sugulle ayaa isaguna xaqiijiyey in xaalada gudoomiye xigeenka ay tahay mid wanaagsan, weerarka lama oga ilaa hadda cidda rasmi ahaan uga dambaysay, waxuuse mudooyinkii dambe ku mashquulsanaa howlaha nadaafada degmada.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com