QM iyo Midowga Africa oo Amaanka Somaaliya kawadda Hadlay

QM iyo Midowga Africa oo Amaanka Somaaliya kawadda Hadlay

Wakiilka gaarka ah ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya Amb. Micheal Keating iyo Ergayga Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya Francisco Caetano Madeira ayaa kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Kulanka oo sidoo kale ay qeyb ka ahaayeen saraakiil kale oo ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika, socdayna mudo saacado ah ayaa waxaa looga hadlay xoojinta wada shaqeynta labada dhinac, xasiloonida Soomaaliya, iyo in la dardar geliyo arrimaha ammaanka.

Danjire Madeira ayaa sheegay shaqada AMISOM ay u joogto Soomaaliya in ay tahay nabadeynta dalka iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab, isaga oo sidoo kale tilmaamay howlgalka ciidamada AMISOM in uu wajahayo marxalad cusub.

Wuxuu kaloo sheegay Francisco Caetano Madeira in dhowaan ay qorsheynayaan qaadista dagaalo lagu wajahayo Ururka Al-shabaab, si taasi ay u hirgashana Beesha Caalamka oo ay ugu horeyso QM ayuu ka dalbaday in ay siiyaan taageere dhaqaale iyo mid Millitari.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com